693 Views

maydka ra’isal wasaarihii Japan Dagaalkii Labaad ee dunida oo lagu shubay badweynta Pacifiga

maydka ra’isal wasaarihii Japan  Dagaalkii Labaad ee dunida oo  lagu shubay  badweynta Pacifiga
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Dambaska maydka ra’isal wasaarihii Japan ee waagii Dagaalkii Labaad ee dunida ayaa lagu saydhay badweynta Pacifiga markii la dilay ka dib sida ay muujiyeen dukumentyo Maraykan.

Saraakiishu waxay ka walaacsanaayeen in taageerayaasha Hideki Tojo oo ka mid ahaa ragii ka dambeeyey weerarkiii Japan ku qaaday Pearl Harbor 1941 ay isku dayi doonaan in ay helaan maydkiisa oo ay ka dhigi doonaan shihiid.

Markii loo dilay eedu ku saabsan dembiyo dagaal 1948 ayaa isaga iyo lix kaleba maydkoodii la gubay.

Diyaarad Maraykanku leeya hay ayaa dambaskooduu ku saydhisay badweynta.

Macalinka Japan ee Hiroaki Takazawa ee wax ka dhiga jaamacada Tokyo ee MNijon ayaa qoraalo ka helay arkiifiyada Maraykanka ee Washington DC.

“Waxaan caddaynayaa in aan qaaday maydkiisa oo aan korjoogay gubidda oo aan shakhsi ahaan dambaskiisa ku daadiyay badweynta kadib markii loo dilay dembigyo dagaal, waxaanan isticmaalnay diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda qeybta sideedaad”. Ayuu ku qoray Maj Luther Frierson dukumenti ku taariikhaysan 23 Diisember 1948 oo ah maalintii la dilay Tojo iyo lix kale.

Xagga hoose waxaa ku qoran magacyada todoba nin oo uu ku jiro Hideki Tojo kiisuna.

Maj Frierson wuxuu qoray inuu isagu goob joog u ahaa dilka iyo in diyaarada la saaray dambayska kadibna markay ay u duuleen “meel qiyaaskii 30 km badda Pacific ah oo bariga ka xigta Yokohama halkaas oo aan anigu qof ahaan dambaskii ku daadiyey badda meel balaadhan” sida laga soo xigtay sargaalkan.

Frierson wuxuu intaa ku daray in foornada lagu gubay maydka “laga nadiifiyey dambaska oo dhan” waxaanu ku daray si si gaara la iskaga xil saaray “in goobta wax yar oo dambaska maydka ahi ku hadho”.

Isaga oo la hadlayay wakaalada wararka ee Associated Press ayaa Mr Takazawa wuxuu sheegay in saraakiisha Maraykanka ay ka go’nayd in ay ka qariyaan taageerayaasha Tojo in ay helaan dambaskisii.

“Isku daygoodaa waxa dheeraa in ay ka hor tagaan in maydkooda la weyneeyo waxaan u malaynayaa in milatariga Maraykanka ay ka go’nayd in aanay maydkiisa ku celin dhulka Japan….oo ay doonayeen dullayn tii ugu xumayd ah” ayuu yidhi.

In kasta oo aan la haynin mayd la aaso, raga la laayey waxa qudbiyo looga sameeyey xabaalaha muranka badan dhaliyay ee Japan ee Yasukuni Shrine.

Xabaalahaas waxa lagu muuneeyaa dad 2.5 milyan oo rag, dumar iyo caruur Japan ah oo u dhintay dalkooda tan iyo markii dalkaasi la aasaasay 1869. Waxaa ka mid ah 14 dambiile dagaal oo darajada koobaad ah oo uu ku jiro Tojo iyo lixda kale.

Siyaasiyiinta midigta ayaa u arkay in ay xabaalahaasi astaan u yihiin waddaniyadda. Laakiin kuwa bidixda iyo dadkii ku dhibaatoobay duulaannadii imbiraadooriyadii Japan ay ku qaaday Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhaleeceeya inay astaan u yihiin muunaynta soo yaalka duulaanadii Japan.

Kumuu ahaa Hideki Tojo?

Hideki Tojo wuxuu ahaa janaraal ka tiran ciidamada imbiraadooriyada Japan oo noqday ra’isal wasaaraha Japan 1941 ilaa 1944.

Wuxuu si cad u taageeray is ballaadhintii Japan iyo weerar kaga horayn ah oo Maryakanka iyo quwadihii gumaysiga ee Yurub lagu qaado. Markii uu ra’isal wasaaraha ahaa wuxuu ogolaaday weerarkii Japan ku qaaday Pearl Harbor 7 Diisember 1941 dhacdadaas oo Maraykanka soo gelisay Dagaalkii Labaad ee dunida iyo sidoo kale qabsashadii dalkiiisa ee Koonfur Bari Aasiya iyo Pacific-ga.

Tojo wuxuu markii dambe waayey taageeradii Boqor Hirohito 1944 markii dagaalaga laga adkaaday Japan waxaan qasab ku noqotay inuu is casilo.

Is dhiibiddii aan shuruuddu ku xidhnayn ee dalka Sebtember 1945 ka dib markii Maraykanku nukliyeerka ku dhuftay Hiroshima iyo Nagasaki ayaa rai’sal wasaarahaa hore la qabtay kadib markii uu ku guuleysan waayay in uu is dilo , iyada oo ciidamada maraykanku gurigiisa hareereeyeen.

Tojo waxa lagu helay dambiyo dagaal oo ay ku heshay maxkamad milatari ee caalami ahi 1948 waxaana ka mid ahaa dagaallo gardarro ah iyo inuu bixiyey amaro ah in si aan aadaminimada waafaqsanayn loola dhaqmo maxaabiista dagaalka.

Waxa lagu xukumay dil isla bishii Noofember waxaan lagu fuliyey deldelaad bishii taa ku xigtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post