975 Views

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaano la wareegay

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaano la wareegay
____________________________________________________________________________

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada, Shaam-Garre, Raqaleey, Raydableey, Goloole, Caanooleey yo Gumeysidiid, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degaanka Bariire ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka Gaarka ah ee katirsan xoogga dalka  Xidigle Cabadulaahi Mustaf Madaale Qaran ayaa sheegay inay Ciidamada AL-Shabaab kala wareegeen dhamaan degaannada Shabeellaha Hoose oo ay howlgalka ka sameeyeen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab howlgalka sidoo kalena ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga degaannada hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulman Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post