249 Views

Ciidamada Booliska dalka Kenya oo baaritaan ku haya nin ka soo jeeda dalka Canada oo looga shakisan yahay inuu ku biiri rabay ururka Alshabaab.

Ciidamada Booliska dalka Kenya oo  baaritaan ku haya nin ka  soo jeeda dalka Canada  oo looga shakisan yahay inuu  ku biiri rabay  ururka Alshabaab.
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 15, 2022

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa baaritaan ku haya nin ajnebi ah oo looga shakisan yahay inuu qorsheynayay inuu u safro Soomaaliya, si uu ugu biiro ururka Alshabaab.

Warbixin uu sii daayay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Canada uu kusii jeeday dhanka Soomaaliya isaga oo sii maraya xuduudka Kenya iyo Tanzania si uu ugu biiro Al-Shabaab, isagoona damacsanaa in uu tababarto kadibna uu falal Argagixiso ka fuliyo Kenya iyo Itoobiya.

Ninkan oo lagu qabtay xeebta Diani oo koonfur 30KM ka xigta Mombasa, ayuu Booliisku sheegay in xogaha sirdoonka ay muujinayaan in horey loogu xiray Masar 2019, isagoo isku dayayay inuu ku biiro ISIS.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha la rumeysan yahay inuu sidoo kale isku dayay inuu si sharci darro ah ku galo dalka Mareykanka balse laga hortagay.

Eedeysanaha ayaa booliiska dalka Kenya ka codsaday in aan loo musaafurin dalka Canada halkaas oo ay ka yaaliin eedeymo la xiriira falal argagixisanimo.

Kiiska ninkan ayay maxkamaddu dhegaysandoontaa saddexda Janaayo 2023

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post