864 Views

Darawalo tiro badan oo u shaqeeya Qaramada Midoobay oo lagu xirey Itoobiya

Darawalo tiro badan oo u shaqeeya Qaramada Midoobay oo lagu xirey Itoobiya
____________________________________________________________________________

Arbaco : November 10, 2021

Wakaaladaha wararka Reuters iyo AFP, ayaa soo tabiyey in la xirey 72 darawal, oo kaxeynayey Hey’adda Qaramada Midoobay qeybteeda cuntada gawaari cunto u sidey.

Darawalan ayaa lagu xirey gobolka Canfarta, magaalada Semera iyo dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadley hey’adda, ayaa u sheegay Reuters, in la xaqiijiyey xiritaanka 72 ruux, oo u shaqeynayey hey’adda cuntada adduunka (WFP) magaalada Semera.

Sidoo kale wuxuu intaa ku darey afhayeenka in ay wada hadal kula jiraan dowladda Itoobiya, bal sidii ay uga sii deyn lahaayeen shaqaalahooda u xiran.

Hey’adda cuntada dunida (WFP), ayaa ku dhawaaqdey xiritaanka tirada darawalada ah. Ugu yaraan 16 shaqaale oo katirsan dowladda Itoobiya iyo qoyskooda, ayaa iyana lagu xirey magaalada caasimadda ee Addis Ababa.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney ka walaacsan tahay xiritaanka loo geystay 16-ka qof, iyo qoysaskoodaba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post