501 Views

Korneyl Xasan Jaamici “Shabaab waa uga dhamaatay Galmudug”

Korneyl Xasan Jaamici “Shabaab waa uga dhamaatay Galmudug”
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee hoggaaminaya hawlgalka ka socda Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii maleeshiyada Al Shabaab.

Korneyl Xasan Maxamed Abuukar oo gelinkii dambe ee Talaadadii Warbaahinta kula hadlayay deegaanka Qaayib, saacado uun ka dib, markii kooxaha argagixisada laga saaray ayaa tibaaxay inaanay kooxahaasi diin shaqo ku lahayn.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay rajeynayaan in muddo kooban ay Shabaab sifeeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

“Waxaan rajeynaynaa deegaanada Galmudug ee dhiman ee gacanta Khawaarijta ku jira in laga saaro. Arrintani ma ahan mid dheel-dheel ku timid, waa arrin laga shaqeeyay, waqti badana la geliyay.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Maxamed Abuukar.

“Haddii uu Ilaahay idmo, waxaan rajeynaynaa in deegaanada Galmudug ee aanu annaga ka howlgelayno muddo kooban laga wayn doono Khawaarijta.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Jaamici.

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Sidoo kale waxaan rajeynaynaa deegaanada kale ee nagu teedsan, sida Hirshabelle iyo deegaanada kale ee la midka ah ee Khawaarijtu ay beryahaan dagaalka iyo shidada ka wadaan inay gacantoodu ka bixi doonto.”

Korneyl Xasan Jaamici ayaa yiri “Iskama dhahayo, dadkii iska lahaa deegaanku go’aan bay qaateen, waxay go’aan ku gaareen inay Khawaarijtaa iska saaraan. Ma aqbalayaan dadka deegaanka aan ka hadlayo in maanta ka bacdi diin loogu soo gambado, shaar diimeed in loo soo gashado ma aqbalayaan, waxay go’aansadeen inay iska dulqaadaan dadkaa tuugada ah ee shaar diimeedka soo gashaday. Haddii uu Ilaahay idmo, go’aan bay naga tahay, waana iska dulqaadaynaa, meel kastoo ay jooggaan.”

Korneyl Xasan Jaamici ayaa dadka deegaanka ee la marin habaabiyay ugu baaqay inay garowsadaan in uu dhamaaday xilligii Shabaab.

“Dadka deegaanadan u dhashay oo ay khaldeen, oo u qaatay inay ayagu adduunkoo dhan ay gacanta ku haynayaan, waxaan leeyahay nimankaa waqtigoodu waa dhamaaday, danahiina qabsada, ka firxada oo isaga tagga, ka baxsada meel kasta, waxyaabaha ay sameynayaana waad aragteen.” Ayuu yiri korneylku.

Korneyl Xasan Jaamici ayaa xusay inay dhacdo layaab leh ku arkayn difaacyadii Shabaab ee Qaayib, isagoona yiri “Waxyaabaha aan hadda ku aragnay dhufeysyadoodii, waxaa ka mid ahaa dhallooyin qamri ah, oo lagu cabayay meesha, oo aan idiin soo bandhigayno, hadduu Ilaahay idmo. Marka wax diin ah shaqo kuma lahan, waa dad waxyaabo kale iyo ujeedooyin kaloo badan leh.”

Mar uu ciidamada la dardaarmayay ayuu yiri “Ciidamada noocyadiisa kala duwan oo meel walba hawlgalka uga jira, waxaan leeyahay walaalayaal guushu waa dhowdahay, nasriga Ilaahay waa dhowyahay, nimankaasuna waqtigoodu waa dhamaaday, waxaana leeyahay meel walbo hawlgalku haka socdo.”

Hawlgalada ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab ayaa haatan si dardar leh uga socda Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoona hawlgaladaasi ay dowladdu ku fidinayso gobolada kale ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post