192 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrovoo sheegay iney jirin qorshe dhab ah oo la soo bandhigay oo ku saabsan nabadda Ukraine

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrovoo  sheegay iney jirin qorshe dhab ah oo la soo bandhigay oo ku saabsan nabadda Ukraine
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay iney jirin qorshe dhab ah oo la soo bandhigay oo ku saabsan nabadda Ukraine, iyo wax wadahadal ah oo khuseeya arrimaha amniga Ruushka uu walaaca ka qabo.

Lavrov wuxuu sheegay qorshaha nabadeed uu haatan damacsan yahay Volodmyr Zelenesky uu gabi ahaantii yahay mid aan macquul ahayn, balse Ruushka uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo dadaallada nabadeed oo la taaban karo haddii ay dhanka reer galbeedka ka yimaaddaan.

Wuxuuna Washington ku eedeeyeyiney Ukraine si dadban uga dagaallameyso, isaga oo ku baaqay gaashaan buurta NATO iney la laabtaan qaab dhismeedka militarI ee ay gudaha dalkaasi ka fuliyeen.

Lavrov wuxuu sida oo kale ee ka digay Moscow iney qaadeyso tallaabbo uusan carabbaabin haddii ay sweden iyo Finland ay ku biiraan gaashaan buurta NATO.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post