1296 Views

Golaha Muslimiinta Kenya oo kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay Dowladda Kenya

Golaha Muslimiinta Kenya oo kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay Dowladda Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 –Golaha Muslimiinta Kenya ayaa si aad ah kaga soo horjeestay hadal dhawaan kasoo yeeray  Maxkamadda dalkaasi.

Hadalka Maxkamadda ayaa ahaa in Gabdhaha aysan u qaadan karin Xijaabo waqtiyada ay aadayaan Iskuulada.

Waxa uu sheegay wadaad u hadlay Golaha Muslimiinta Kenya in aysan midaa aqbali karin qaadashada Xijaabkana uu yahay Sharci aysan Haweenka Muslimaadka ah ka tagi karin.

Waxa uu sidoo kale xusay in dadaal badan ay u gali doonaan sidii go’aanka ay Maxkamaddu kaga laaban lahayd.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment