831 Views

Mareykanka sheegay in uu aad uga walaacsan yahay rabshadihii magaalada Muqdisho ka dhacay Axaddii..

Mareykanka  sheegay in uu aad uga walaacsan yahay rabshadihii magaalada Muqdisho ka dhacay Axaddii..
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay uu aad uga walaacsan tahay rabshadihii magaalada Muqdisho ka dhacay Axaddii ee u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo ilaalada qaar ka mid ah musharaxiinta, oo ay wehliyaan ciidamo diidan muddo kororsiga.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, si ay khilaafyadooda ugu xalliyaan si nabdoon,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

“Wada-hadallo iyo heshiis ayaa ah hababka kaliya ee lagu xaliyo is-mari waaga siyaasadeed, waxaan ku boorineynaa dhinacyada inay dib u billaabaan wada-xaajoodyada mar un, si ay u gaaraan heshiis horey loogu ambaqaado doorashooyin deg deg ah.”

“Sida uu horey u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda, dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay ka fakarto dhammaan agabyada la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateyno iyo xayiraado dhanka visa-ha ah, si looga jawaabo dadaallada lagu waxyeeleynayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Hanjabaadda ay ku celisay dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay mar kale ku socoto madaxda dowladda federaalka, maadaama hanjabaddii hore ee soo baxday 14-kii April ay si toos ah ugu socotay madaxda dowladda, kana dhalatay muddo kororsiga.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda.” 

“Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorashada shacabka Soomaaliyeed loo ballan-qaaday ee ay sugayeen.”


Office nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post