1236 Views

Madaxweyne Farmaajo godkii lala rabay haduu ku dhacay!

Madaxweyne Farmaajo godkii lala rabay haduu ku dhacay!
____________________________________________________________________________

Qaranimo Online | North America | August 10, 2020 –

________________________________________________________________________

Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow,mudo ayaa waxa la liicin waayey, labadan nine, MD Farmaajo iyo RW Kheeyre, wada socday, oo xitaa hadii khilaaf dhexmaro, bannanka iman waayay. Waxaa in badan la shaaciyey, ineey isku dheceen, ama is khilaafeen, markasta weey beenooni jirtay. Waxaa geed dheer iyo mid gaabanba loo fuuleey, sidii loo kala irdheryn lahaa, waa lagu guul-darreeystay wixii hadda ka horeeyey, waxaa intaa oo dhan looga dan lahaa, siduu MD Farmaajo u noqon lahaa, mid aan waxba ka duwaneyn, madaxdii horee, is dagaali jirtay, ee labo iyo sadex raysalwasaare soo magacaabi jiray.

Ugu dambeyn; waxaa lagu guuleeystay, in labadoodii bannaaka la kala dhigo, MD Farmaajana kaligii, meel bannaan ah, lasoo istaajiyo. Ballan-Qaadkii uu hore u sameeyey, dabcan berri uu ku faani lahaana, lugta looga dhuftay, kaasoo ahaa, inuu soo magacaabayo raysalwasaare isaga ka wanaagsan, mudo xileedkoodana, wada dhameeysan doonaan.

Qorshaha mucaaradka qaarkii wuxuu ahaa, in marka hore, si loo kala haatiyo labadan nin, in MD Farmaajahan mudo kororsiga ku khafiifay, la dhoho, ma ogoshahay inaad raysalwasaarahaada ka takhalusto, kabacdina mid annaga aan keensannay magacoowdo? Markuu taa ku dhaaqoo raysalwasaarihiisii eryo, meeshii mudo kororsigiisaa lagu taageeri lahaa, si public ah loogu dhoho: Adeeroow mudo kororsi wax la dhoho ma ogolin! Beesha caalamka sidaa loogu diro, isagoo kaligiis ahna bannaanka kusoo dhacay. Waana sida dhacday.

Marka arini jiq ku noqoto, 30-ka beri ee uu heystana ka dhamaato, laba ayey mid noqoneeysaa:

1-Ama wuxuu halis ugu jiraa, in raysalwasaaraha cusub, ee uu keeni doono, ee uu is leeyahay ka dhigo, jaranjaro mudo kororsi oo kaliya, inuu iska diido, waa kadib marka la magacaabo, ee la ansixiyo, illeen waa qof bini’aadam ahe, walibana ka dharagsan, inuusan hore ka eryi karin Raysalwasaare kale, maadaama mid hore, sifo aan sharci aheyn, uga takhalusay, sidaa daraadeedna ku noqdo, siduu RW Nuur Xasan Xuseen-Nuur Cadde (AUN) ku noqday MD Cabdullaaahi Yuusuf Axmed (AUN), oo markaa eryey RW Cali Maxamed Geedi, balse Nuur Cadde ayaa noqday ninkii MD C/Llaahi sababsaday, sidaa oo kale ineey ku dhacdo MD Farmaajo, ayaa ah arinta ugu weyn, ee walwalka ugu badan ku heeysta maanta, gaar ahaan haduu ka keeno dhanka mucaaradka qaar sida: Madasha Xisbiyada Qaran, kuwaasoo ay hogaamiyaan, madaxdii uu ku bahdilay, diidmadii iyo is-hortaagii uu ku sameeyey, xuquuqdoodii safar, iskadaa ka madaxweeyneyaal horee, xitaa ka muwaadiniin ahaan. Waxeey marka madaxweeynayaashaa hore arintaa siin doontaa, fursad eey ugu dhigaan MD Farmaajo duruus lama illawaan ah.

2-Dhanka kalana haduu keensado raysalwasaare uu is leeyahay, mudo kororsi waad ku fushan kartaana, oo shaqaalihiisa madaxtooyada kasoo dhex qabsato,sida wararka qaar sheegayaan, sida: Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), oo hada ah: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, ama Inj.Cabdullaahi Cali Xasan ooh adda ah wasiirka ganacsiga DF iyo dadka la midka ah, hade mucaaradka ayaa sii lama kacleeynaya, oo waliba maamul-Goboleedyada, iyo beesha caalamkaba isku wada saf yihinoo, mudo kororsi wada diidsan.

Si dalkan looga qabto doorasho toos ahoo qof-iyo-cod ah, waxaa loo baahnaa in laqabto, howl badanoo aheyd in la billaabo maalintuu MD Farmaajo kursiga yimi, sida: Xoreeynta qeeybaha dalka, ee Al-Shabaab iyo Daacish heeystaan, dhameeystirka dastuurka, iyo gaar bahaan sharciga xisbiyada, tirakoobka guud ahaan dadka Soomaaliyeed, diiwaan-galinta codbixiyeyaasha, xaqa u leh ineey codeeyaan, dhisida maxkamada dastuuriga, ee beri lagu kala bixi lahaa, hadii is qabsi dastuuri ah yimaado…….iwm. Waxaa oo dhan lama qaban, si loo qabtana, waxaa loo baahan yahay, sanado aan yareyn, si dalka diyaar ugu naqdo doorasho toos ah. 

Waa yaab iyoamakaage MD Farmaajo ma wuxuu rabaa, afar sanoo dheeri ah “Another four years of extension” oo bilaa doorasho ah, mise inuu laba sanoo dheeri ah helo, ugu dambeynna doorasho dadban markaa aan qabano lasoo istaago? Illeen wuu ogyahay xaqiiqda jirta’e. Xaqiiqda ayaa ah, haduu MD Farmaajo marrasta khaldo, dad aanu khaldi karin, ayaa siyaasadi kala dhaxeeysaa!

MD Farmaajo qob moos ahna waa loo dhigay, isagana kursi jaceyl dartii ayaa taladu u seegtaye, waxaa u dhaantay, inuu 5-ta biloode u hartay, nuuca doorasho ee maanta dalka ka qabsoomi karta, ee laga wada heshiiyo, inuu qabto, xiligeedana ku qabto, inta iska illoobo indha-Sarcaadkan mudo kororsiga lagu raadinayo,  ee qof-iyo-cod aan dalkaba loo diyaarin, ee la isku wada fahmay, lagu af-gobaadsan lahaa. Sidaana ku tartamo, haduu kusoo baxana Alxamdu dhoho, haduu kusoo bixiwaayana, hade wuxuu noqon lahaa madaxweeyne doorasho, waliba waqtigeeda lagu qabtay hirgaliyey. Waxaa usii dheeraan laheyd, inuu ku faani karo beri, inuu madaxweeynayaashii dalka soomaray oo dhan, uga wada duwanaa in raysalwasaarihii uu soo magacaabay, xilka wada dhameeysteen. Maantase labadaaba gacanta uguma jiraan, wuxuuna halis weynoo dhab ah ugu jiraa, inuu isagana ku baxo, wadadii uu raysalwasaarihiisii ku baxay, waana arinta uu maanta shallaayda ka taagan yahay.

Ninbaa laga sheegay: “Markaan tabar hayeyna talo ma heyn, maantoon talo hayana, tabar ma hayo!”

.

.

Wabillaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed. Minnesota-USA.

abdulkadirphd@hotmail.com

________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post