315 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beledweyne
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 19, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Xubno isugu jiray labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa garoonka Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Maamulka Gobolka Hiiraan, Masuuliyiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada

Mudane Cali Guudlaawe ayaa bogaadiyay howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ka socda deegaannada Hirshabeelle isagoo tilmaamay in khawaarijta looga adkaaday dhamaan deegaanadii lagula diriray, qeybaha kala duwan ee ciidamadana ay u diyaar yihiin xureynta deegaanada iyo degmooyinka ay wali ku dhuumaaleysanayaan kooxahaan cadowga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post