363 Views

Ukraine oo laga cabsi qabo inay koronto la’aan ka dhacdo

Ukraine oo laga cabsi qabo inay koronto la’aan ka dhacdo
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 19, 2022

Waxaa haatan halis loogu jiraa in la damiyo dhammaan warshadaha dhaliya quwadda korontada ee waddanka Ukraine, sida laga soo xigtay ninka maamula shirkadda ugu wayn ee gaarka loo leeyahay ee tamarta soo saarta ee waddankaasi.

Maksim Timchenko ayaa sheegay in kala bar warshadaha korontada dhaliya ay soo gaartay waxyeello wayn, halka ay u badan tahay inta soo hartayna inay ku burburi doonaan duqeymaha cirka ee Ruushka.

Waxa uu tilmaantay in dadka reer Ukraine ee awooda inay dalkaasi isaga baxaan inay joogaan waqtigii ay dalkaas isaga bixi lahaayeen, si koronto badan loogu helo dadka aan dalkaas ka bixi karin.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in mowjadihii ugu dambeeyay ee weerrarada cirka ee Ruushka ay dhulka dhigeen ku dhawaad kala bar baalasha korontada qaada ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post