660 Views

Hadal jeedinta Musharixiinta Aqalka sare oo goor dhaw ka bilaaban doonta Magaalada Kismaayo

Hadal jeedinta Musharixiinta Aqalka sare oo goor dhaw ka bilaaban doonta Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Maanta Gelinka hore ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u tartameeysa kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Musharixiinta khudbadahooda Maanta jeedin doona ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 8 Xubnood, kuwaas oo ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan 8 kursi ee Jubbaland ku leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharixiinta Aqalka Sare ee Maanta khudbadaha ka hor jeedin doono Baarlamaanka Jubbaland oo 5 kamid ah ay Dumar yihiin ayaa waxaay kala yihiin.

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2:Tbrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali

Beri oo khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 21 Bisha Octoober ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post