1536 Views

Xisbiga Uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Oo Laga Joojiyay Siminaar Uu Qaban Lahaa

Xisbiga Uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Oo Laga Joojiyay Siminaar Uu Qaban Lahaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa xaqiijiyay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya in ay ka hor istaageen Xisbiga Miduwga Nabadda iyo Hormarka ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  Siminaar  ay ku qabsan lahaayeen mid ka mid ah hoteelada ku yaalla Baydhabo.

Siminaarkaan ayaa dhici lahaa gelinka dambe ee maanta waxaana xubnaha Xisbigu ay sheegeen in lagu wargeliyay in ay baajiyaan badhigaas tababarka ahaa,kadib markii ay la soo xiriireen Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo masuuliyiin kale iyaga oo ku wargeliyay in ay dib u dhigaan tababarka ay qabanayaan.

Xubnaha Xisbiga ayaa Dalsan u sheegay in lagu wargeliyay in amniga Magaaladu aanu fiicneyn loona bahanyahay in la xaqiijiyo madaama uu cusubyahay Madaxweynaha Koonfur galbeed Caleema-saarkiisana uu dhimanyahay.

Xubnaha Xisbiga ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in ay jirto arrimo Siyaasadeed oo kuwaan ka weyn waxaana ay xaqiijiyeen in ay baajiyeen tababarkii ay ku qaban lahayeen Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in 16-ka bishan ay ka dhacdo Munaasabad lagu cameelo-saarayo Madaxweynaha cusub ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment