834 Views

Meydka laba Carruur ah oo uu dhalay Xildhibaan hore oo laga helay duleedka Baydhabo

Meydka laba Carruur ah oo uu dhalay Xildhibaan hore oo laga helay duleedka Baydhabo
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 08, 2021
–Labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo kamid ahaan jiray Baarlamaankii Sagaalaad ayaa meydkooda waxaa saaka  laga helay duleedka Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Labada Carruurta ah oo lagu kala magacaabi jiray Samiira iyo Iimaan ayaa shalay loo diray Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen, balse la waayay ilaa xalay, iyada oo saaka laga helay duleedka magalada Baydhabo meydkooda, iyaga oo kiliyaha iyo beerka lagala baxay.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Baydhabo oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay sida Carruurta lagu waayay iyo falka loo geystay oo aan la ogeyn dadka ka dambeeyay.

“ Walaalayaal waxaan aad uga naxay geerida lama filaanka ah ee caruurta yar ee walaalaha ah, Arbacadii shalay waxay Aadeen Dugsi Qur’aan kadib waa lawaayay, waxaa la sheegayaa in saaka aroortii hore ayagoo meyd ah laga heley hareeraha magaalada, waxaana la sheegey in qayb jirkooda kamid ah (kiliyaha/beerka) ay maqan yihiin ayuu yiri” Qof ku sugan magaalada Baydhabo.

Warar la helay ayaa sheegaya in falkaan ay ka dambeeyso Carruurta Eedadood oo uu Aabahood qabo, kadib markii ay maseertay, taas oo ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo.

Waa dhacdo ku Cusub Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyada la soo sheegayo in laamaha Ammaanka Magaalada Baydhabo ay bilaabeen howlgallo baaritano ah oo la xiriira sidii lagu heli lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post