1614 Views

Xamza Warfaa oo noqday Wasiir ku xigeenka Shaqaalaha iyo Kobcinta Dhaqaalaha Gobolka Minnesoto

Xamza Warfaa oo noqday Wasiir ku xigeenka Shaqaalaha iyo Kobcinta Dhaqaalaha Gobolka Minnesoto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 23 Maarso, 2019 –Guddoomiyaha gobolka Minnesoto ee dalka Mareykanka ayaa Muwaadin asalkiisu yahay Soomaali u magacaabay in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Shaqaalaha iyo Kobcinta dhaqaallaha ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.Xamza Warfaa oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha shaqo la’aanta ee haysata daka ku nool gobolka Minnesota uuna dadaal dheer u galay sidii uu ku kasban lahaa maamulka gobolkaas.

“Gobolka Minnesota waxaa ka jira shaqooyin la la’ yahay cidii buuxin lahayd waayo xirfadaha looga baahan yahay ,sidaa awgeed ayaan abuuri doonaa fursado ay dadka shaqo la’aanta haysata ku heli lahaayeen xirfadahaa ayna u buuxin lahaayeen boosaskaa banaan.”ayuu yiri Xamza Warfaa oo ay wareysatay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Warfaa oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhaqdhaqaaqa Arimaha Bulshada ayaa sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee la siiyo Abaal marinta sanadlaha ah oo ay bixiyaan Hay’adaha deeqaha bixiya ee gobalka Minnesota Sanadkii 2018-ka.

Dad badan oo asalkoodu yahay Soomaali oo qaxootinimo ku galay dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa xilal ka qabtay gobolka iyadoo Ilhan Cumar oo laga soo doortay gobolka Minnesota ay xubin ka tahay congresska dalka Maraykanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment