705 Views

Kenya oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay dad Afduubteen

Kenya oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay dad Afduubteen
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Ciidamada amaanka Kenya ayaa bilaabay howlgalo lagu soo bad baadinayo dhaqtar ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay Kenya kasoo afduubteen kaa oo lala soo galay dhinaca Soomaaliya,Wararka waxa ay sheegayaan in dhaqtarkaan uu yahay mid u dhashay dalkaasi Kenya lagana soo afduubtay deegaanka Fino ee ka tirsan degmada Mandheera.

Sida laga soo xigtay Booliska Kenya, ilaa 4 qof oo hubaysan oo la rumaysan yahay in ay dagaalamayasha Al-shabab ka tirsan yihiin ayaa jimcihii gudaha u galay Xarunta Caafimaadka ee Fino, ilaa sedex qof ayay kasoo wateen laba ka mid ah waxay ahaayeen dadka deegaanka halka mid ka kalana uu ahaa dhaqtarka ay lasoo aadeen dhinaca Soomaaliya

Labada qof ee deegaanka u dhalatay ayaa goor dambe lasoo daayay inkastoo dhaqtarka ay lasoo aadeen dhinaca Soomaaliya iyagoo kasoo talaabay xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Booliska Kenya ayaa sheegay in dagaalamyaasha ay horey u qaateen qalab caafimaad iyo dawooyin yiilay xarunta caafimaadka ay weerareen.

Afduubkaan ayaa kusoo beegmay iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay dalkaasi Kenya maxkamad lagu soo taagay mid kamid ah darawaladii fududeyay afduubka dhaqatiir u dhalatay Cupa oo al shabab kasoo afduubteen dalkaasi Kenya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post