150 Views

Dowladda Puntland oo yeelatay Gudoomiye Baarlamaanka oo cusub

Dowladda Puntland oo yeelatay Gudoomiye Baarlamaanka oo cusub
____________________________________________________________________________

Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Puntland ayaa manta doortay guddoomiyaha golaha Wakiillada Maamulkaasi, waxaana ku guuleystay xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid, Puntland ayaa ku jirta marxad doorasho oo buuq hareeyay.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa Wareegii kowaad ee Doorashada ka helay 37 cod halka Musharrixiintii ku soo xigay ee Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen Wareegga labaad ee Doorashada.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isna ku haray Wareega Kowaad ee Doorashada Guddoonka kadib markii uu helay 8 cod oo keliya,taas oo ka saaciday inuu ku guuleysto Cabdirisaaq Axmed Siciid

Guddoomiyaha ayaa waxaa u tartamay musharraxiinta kala ah.

1: Xildhibaan Cabdirashiid Yuusud Jibriil Cowl.

2: Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gobyow.

3: Xidhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax

4: Xildhibaan Maxamud Mursal Cabdi Cali.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya musharraxiinta.

1:Xildhibaan Maxamuud Shire Cismaan Faatax.

2: Xildhibaan Xareed Cali Xasan.

3: Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cabdi Shiindi.

4: Xildhibaan Axmed Siciid Yuusuf

5: Xidhibaan Maxamed Baarri Shre.

6: Xildhibaan Abuubakar Maxamed Cumar.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Musharraxiinta u taagan.

1: Xildhibaan Mowliid Abuubar Caafi Abkey.

2: Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ciise Awoowe.

3:Xidhibaan Xasan Ducaale Cali Dhagaxtuur.

4: Xildhibaan Maxamed Qadar

______________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post