588 Views

Madaxweyne Faransiiska, Emmanuel Macron oo dhawr jeer ka codsaday Putin in uu nabad qaato

Madaxweyne Faransiiska,  Emmanuel Macron  oo dhawr jeer ka codsaday Putin in uu nabad qaato
____________________________________________________________________________


Isniin: February 28, 2022

Sida laga soo xigtay war ka soo baxay madaxtooyada Faransiiska, madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa maanta qadka taleefan kula hadlay Vladimir Putin, kadib wicitaano caalami ah oo loogu baaqayay Moscow in ay soo af-jarto dagaalka Ukraine, laguna cadaadinayay xabad joojin degdeg ah.

Warka ayaa lagu sheegay in Macron uu waydiistay madaxweynaha Ruushka in uu joojiyo duqaymaha iyo weerarada ka dhanka ah shacabka iyo meelaha deegaanada ah. Sidoo kale uu ilaaliyo kaabayaasha bulshada, uuna amaan galiyo wadooyinka waawayn.

Putin ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan galin doono codsiyadaas, ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Faransiiska.

Dhanka kale aqalka Kremlin ka oo war ka soo saaray wicitaanada taleefanka ayaa sheegay in Putin uu u sheegay Macron “ heshiis wuxuu suuragal yahay, hadii danaha amaanka ee Ruushka xisaabta lagu darayo – taas oo ay ka mid tahay in Crimea loo aqoonsado dhul madaxbanaan oo Ruushka ka tirsan, iyo xal u helista in Ukraine laga dhigo goob ciidan ka caagan, si loo hubiyo in ay tahay meel xaalkeedu caadi yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post