909 Views

Switzerland Dadka oo u codeeyay inaan indha-shareer la xiran

Switzerland   Dadka oo u codeeyay inaan indha-shareer la xiran
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Switzerland ayaa u codeysay in weji xirashada laga mamnuuco goobaha ay bulshadu isugu timaaddo, waxaana la mamnuucay xirashada indha-shareerka amaba niqaabka ay xirtaan haweenka Muslimiinta ah.

Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujinaya in 51.2% ilaa 48.8% ay u codeeyeen codbixintii shalay la qaaday.

Soo jeedinta waxaa horkacaya xisbiga midig-fog ee dadweynaha Sweden (SVP) kaas oo u ololeeyay arrintaas isaga oo adeegsanaya halku dhigyo ay ka mid yihiin “Jooji xagjirnimada”.

Koox Islaami ah oo dalkaas ka dhisan ayaa ku tilmaantay in “maalin madow” ay u tahay Muslimiinta.

“Go’aanka maanta wuxuu soo bixinayaa boogo hore, wuxuu sii xumeynayaa xaaladda sinnaan la’aanta, wuxuuna dirayaa farriin cad oo ah in meesha laga saaro Muslimiinta,” Golaha Dhexe ee Muslimiinta ayaa ayaa war ay soo saareen sidaas ku sheegay, iyaga oo intaas ku daray inay racfaan ka qaadan doonaan sharcigan.

Dowladda Switzerland ayaa iska fogeysay mamnuuciddan, iyada oo sheegtay inaysan shaqo ku lahayn waxa ay dumarku xiranayaan.

Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay Jaamacadda Lucerme ee Jarmalka, haween aad u yar ayaa xirta xijaabka jirka oo dhan daboola, sidoo kalena keliya 30 haween ah oo Switzerland ku nool ayaa xirta indha-shareerka. Qiyaastii 5% bulshada Switzerland ee gaaraya 8.6 milyan oo qof ayaa Muslimiin ah, intooda badanna waxay ka soo jeedaan dalalka Turkiga, Bosnia iyo Kosovo.

Dadka Switzerland wuxuu hannaanka dimuqraaddiyadda tooska ah ee dalkaas siinayaa inay wax ka yiraahdaan arrimahooda gaarka ah. Waxaa si joogto ah loogu casuumaa inay cod u qadaaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan aftiyada qaranka iyo kuwa gobollada.

Ma aha markii ugu horreysay ee Islaamka lagu soo qaato aftiyada Switzerland. Sanadkii 2009 dadka ayaa ka soo horjeestay talada dowladda waxayna u codeeyeen in ma mamnuuco dhismaha minaaradaha – oo ahayd soo jeedin sidoo kale ka timid SVP oo sheegtay in minaaraduhu ay calaamad u yihiin Islaaminta.

So jeedintan oo shalay la sameeyay si toos ah looguma sheegin Islaamka waxaana sidoo kale looga gol lahaa in lagu joojiyo dibadbaxayaasha waddooyinka ee qaska wada inay wejiga xirtaan. Si kastaba, codbixinta waxaa lala xiriiriyay “mmanuucidda indha-shareerka”.

Soo jeedintan ugu dambeysay ayaa ku soo aadday xilligan oo uu jiro xanuunka safmarka ah ee coronavirus, taas oo ku qasbeysa in dhammaan dadka qaangaarka ah ee dalkaas ay xirtaan maaskarada wejiga.

Sanija Ameti, oo xubin ka ah bulshada Muslimiinta Switzerland, ayaa BBC-da u sheegtay in ololaha – iyo haweenka Muslimiinta ah ee boorarka lagu sawiray – ay yihiin kuwo laga xumaado.

“Muslimiin badan oo ku sugan Switzerland ayaa dareemi doona in la aflagaaddeeyay oo aysan qeyb ka ahayn bulshadan, ayna ku riixday meel aysan u qalmin. Uma ekin haween lagu sawiray boorarka, uma ekin,” ayay tiri.

Si kastaba, qaar kale oo ka tirsan bulshada Muslimiinta ee dalkaas ayaa taageersan mamnuucidda.

Imaam Mustafa Memeti, oo deggan magaalada Bern, ayaa BBC-da u sheegay inuu aaminsan yahay in ujeeddada ka dambeysa ololaha ay tahay Islaam nacayb. Balse wuxuu sheegay in si kastaba uu taageeray mamnuucidda sababo la xiriira inay taasi xoreyneyso haweenka Muslimiinta ah ee Switzerland.

Kahor codbixinta, Walter Wobmann, oo ah guddoomiyaha guddiga aftida ahna qareen ka tirsan SVP, ayaa weji xirashada Muslimiinta ku tilmaamay “calaamad xagjirnimo, Islaam siyaasadeysan oo caan ka noqday Yurub salna aan ku lahayn Switzerland”.

“Gudaha Switzerland dhaqankeenna wuxuu qabaa inaad muujiso wejigaaga. Tani waxay calaamad u tahay xornimadeenna aasaasiga ah,” ayuu yiri.

Amnesty International ayaa ka soo horjeesatay mamnuucidda, iyada oo ku tilmaantay “siyaasad khatar ah oo meel uga dhacaysa xuquuqda haweenka, oo ay ku jirto xorriyadda hadalka iyo diinta”.

Xirashada indha-shareerka ee meelaha dadka ay isugu yimaadaan ayaa mowduuc lagu muransan yahay ka ah dalal kale oo Yurub ku yaalla. Faransiiska ayaa mamnuucay in la xirto indha-shareerka sanadkii 2011 halka Netherlands, Denmark, Austria iyo Bulgaria ay gebi ahaanba ama qeyb mamnuuceen niqaabka.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post