618 Views

Axmed Madoobe oo oo taageeray go’aanka golaha wasiirrada dowladda federaalka ee ONLF iyo Qalbi Dhagax

Axmed Madoobe oo oo taageeray  go’aanka golaha wasiirrada dowladda federaalka ee ONLF iyo Qalbi Dhagax
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhoweeyay go’aankii golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta ku laaleen go’aan 2017-kii ay gaareen golihii wasiirrada ee ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Qoraal uu soo dhigay barta Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixis,”.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa Sidoo kale u mahad celiyay golaha wasiirrada: “Waxaan u mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.”

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post