1452 Views

Senator Faroole oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Dowladda

Senator Faroole oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka ee deegaan doorashadoodu yahay deegaannada Puntland ayaa ka hadlay khilaafka dhinaca Waxbarashada ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Maamulka Puntland.

 

Waxaa uu sheegay,isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Garoowe in dowladda Federaalka aan looga baahneyn inay kala furfurto waxbarashada Puntland,isla markaana uu sheegay in Agaasimihii imtixaanka wasaaradda wax barashada Puntland Axmed Saahid ay la wareegtay.

 

 

 

“Maaha in dowladda Soomaaliya ay furfurto waxbarashada Puntland;hadba sarkaal in ay qaadato sax maaha, hadda agaasimigii imtixaanaadka waa la dafay oo la-taliye ayaa laga dhigtay”.

 

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayuu Senator Faroole Faroole ugu baaqay inay adkeeyaan ku dhaqanka dastuurka dalka,sidoo kalena uu sheegay inay Puntland xaq u leedahay arrimaheeda waxbarasho.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabullaahi Goodax Barre ayaa dhawaan sheegay in Ardayda Puntland gaar ahaan kuwa Dugsiga Sare aan wax Shahaad ah la siin doonin ilaa iyo ay ka qeyb galaan imtixaanka Dowladda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment