1725 Views

Africom oo sheegtey in ay duqeyn ku dishey Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Africom oo sheegtey in ay duqeyn ku dishey Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 21, 2018 –War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika oo loosoo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu sheegey duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ay ku dileen Xubno ka tirsan Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegey in 19 bishaan labba  duqeyn oo Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin ee Shabeellaha hoose ay ku dileen 11 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaabkii ku ku sugnaa deegaanka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegey in shacabka wax qasaaraa uusan ka soo gaarin duqeynta ka dhacday deegaanka Baladul Amiin.

Mareykanka ayaa kordhiyey duqeynta diyaaradaha ee uu ka geysanayo Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo uu sheegey in ku bur burinayo Saldhigyada Shabaabka kuleeyihiin Soomaaliya.

Halkaan ka aqriso Qoraalka Mareykanka.

 

 

 

 

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment