1056 Views

Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad socdaal ku soo rogtay Lix dal

Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad socdaal ku soo rogtay Lix dal
____________________________________________________________________________

Sabti: January 8, 2022

Kuuriyada Koonfureed ayaa kordhin doonta xayiraadda socdaalka ee lix waddan oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Filibiin lix bilood sababtoo ah khataro amni oo daba dheeraaday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay Jimcihi Mamnuucidda loo qorsheeyay in ay  dhacdo Jan. 31 ee sanadkan.

Dalalka xayiraada lagu soo rogay waxaa ku jirta Soomaaliya waxaana sidoo kale ka mid ah  Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Afgaanistaan iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin  Jasiiradda Zamboanga, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda dalalka  la magacaabay ayaa waxaa soo food saaray khataro joogto ah oo ah weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ay u badan tahay inay sii jiri doonaan muddo dheer.

waddamada Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ayaa loo diiday in ay Safaarado ku yeshaanKuuriyada Koonfureed, tan iyo 2007.

Sidokale Seoul ayaa mamnuucday Safaaradda Yeman 2011, halka tan Liibiya la mamnuucay 2014, sidaas si la mid ah jasiiradaha Filibiin ayaa meesha laga saaray cilaaqaadkooda 2015.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post