336 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Guudlaawe oo u hambalyey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Guudlaawe oo u  hambalyey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu hambalyey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 1960-kii.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalintaan qiimaha badan ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 1960-kii.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dablayda iyo Qoysaskooda ugu hambalyeeyay Munaasabadaan Ciidanka Xoogga, isagoo ugu baaqay  inay xoojiyaan difaaca dalka iyo hortaga kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

“Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dablayda iyo Qoysaskooda ugu hambalyeeyay Munaasabadaan waxa uuna la wadaagay inay xoojiyaan difaaca dalka iyo hortaga kooxaha aragixisada ah. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin Astaan Qaran oo u taagan difaaca iyo haybada Qaranimada Dalkeena, isagoo bogaadiyay howlgalada ay kula dagaalamayaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post