870 Views

Benjamin Netanyahu oo ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay qarax burburiyay mid kamid ah maraakiibta Israa’iil kaas oo marayay gacanka Cummaan

Benjamin Netanyahu oo  ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay qarax burburiyay mid kamid ah maraakiibta Israa’iil kaas oo marayay gacanka Cummaan
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay qarax burburiyay mid kamid ah maraakiibta Israa’iil kaas oo marayay gacanka Cummaan toddobadkii lasoo dhaafay.

Markabka MV Helios Ray ayaa kasoo dhaqaaqay Sucuudiga wuxuu ku wajahnaa Singapore markii qaraxa lala beegsanayay.

“Waxaa xaqiiq ah in uu ahaa howlgal ay wadday Iiraan, waa arrin iska cad” ayuu yiri oo la hadlayay Radio Khan isago oo aan sheegin wax caddeyn oo ku saabsan arrintaas.

Wasaaradda arrimaha Iiraan ayaa beenisay eedeymaha ay u soo jeedisay Israa’iil, waxay ku tilmaantay ‘Arrin been ah’

Hadalka Netanyahu ayaa imaanaya xilli kooxaha la socdo xaaladda Suuriya ay sheegeen in gantaallo laga soo ganay Israa’iil ay ku dhaceen saldhig ciidamada Iiraan ay ku leeyihiin Suuriya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post