1635 Views

Dowladda oo 1 Milyan oo dollar ugu deeqday dadka ay saameeyeen Fatahaaduhu

Dowladda oo 1 Milyan oo dollar ugu deeqday dadka ay saameeyeen Fatahaaduhu
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).

Mudane Mahdi Mohamed Gulleid Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku”.

Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu,guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Dalka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment