1506 Views

Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo iscasilay

Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo iscasilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 08, 2019 —Madaxweynaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilayo kadib markii uu jagadaasi hayay muddo lix sanadood ah. Is casilaadiisa ayaa waxa ay dhaqan galaysaa 1-da bisha Febaraayo.

Mr Kim, oo 59 sano jir ah ayay ahayd in uu xilkaasi sii hayo tan iyo sanadda 2022-ka, kadib markii mar labaad dib loogu doortay in uu hogaamiyo Bangiga Adduunka sanadkii 2017-kii.

Warbixin ayuu Mr Kim ku sheegay: ” waxa ay ii ahayd sharaf weyn in aan madax ka noqdo shirkaddaan cajiibka ah”.

Balse Mr Kim ayaanan sheegin sabata keentay is casilaadiisa lama filaanka ah.

Bangiga Aduunka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonaan qaabkii ay u soo magacaabi lahaayeen qofkii bedeli laahaa Kim.

Mr Kim, oo ku dhashay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Konnfureed, ayaa waxa uu markii hore ahaa dhakhtar ka hor inta aan loo magacaabin jagada madaxweynaha Bangiga Aduunka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment