828 Views

Garsoore u dhashay dalka Nigeria oo lagu dhex afduubtey gudaha maxkamada

Garsoore u dhashay dalka Nigeria oo  lagu dhex afduubtey gudaha maxkamada
____________________________________________________________________________

.

May 19 2021

Garsoore u dhashay dalka Nigeria ayaa Talaadadii lagu dhex afduubtey gudaha maxkamad ku taalla gobolka waqooyi ee Katsina.

Garsoorahan oo katirsanaa Maxkamadda Shareecada, kaasoo lagu magacaabo Alhaji Husaini Sama’ila, ayaa la sheegay in la afduubtay glaabtii Talaadada, kadib markii ay xoog kusoo galeen maxkamadda dabley hubeysan..

Ma cadda sababta garsooraha uu uggu sugnaa maxkamadda gudaheedda, xili dadka ka shaqeeya garsoorka dalka oo idil ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay wargeyska Punch in garsooraha in “cidna aysan ka war qabin booqashadiisa maxkamadda”.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in maxkamadda mar hore loo raray magaalo kale nabadgelyo darro darteed.

Katsina waxay ka mid tahay gobollada sida xun ay u saameeyeen weerarada ka dhaca gobolka waqooyi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post