522 Views

Shiinaha oo cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Maraykanka

Shiinaha oo cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan  Maraykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: July 24 2021

 

Shiinaha ayaa cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo Maraykan ah, maalmo uun ka hor booqasho ay dalkaas ku tagi lahayd haweenayda ah ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda, Wendy Sherman.

Dadka cunaqabatayntaan la saaray ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee Ganacsiga Maraykanka, Wilbur Ross. toddobaadkii horena xukuumadda Washington ayaa dhankeeda cunaqabatayn ku soo rogtay masuuliyiin sar sare oo shiinays ah kana hawlgala Hong Kong sababo la xiriira cadaadis la sheegay in ay ku hayaan shacabka Hong Kong.

Haddaba tallaabadan uu Shiinuhu qaaday? arrimahaas ayaan ka waraysannay Axmed Faarax Iidle (axmed Zaki) oo bare ah Jaamacad ku taal magaalada Islaam Abad ee dalka Pakistan.

Office Bairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post