1413 Views

C/raxmaan Baadiyow oo beeniyay khilaafka Guddiga Shirka Dhuusamareeb

C/raxmaan Baadiyow oo beeniyay khilaafka Guddiga Shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhex-galay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug,hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay guddoomiyaha Gudiga.

 

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta galmudug,isla markaana dad warxumo tashiil ah ay sheegayaan in uu jiro khilaaf ka dhex-jira Guddiga,isaga oo sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.

 

 

 

“Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabangabo. War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milqin khilaafaadka siyaasadeed ayuu yiri Guddoomiye Baadiyoow.

 

Si kastaba xoghayaha Guddiga qaban qaabada shirka Dib u heshiisiinta Galmudug oo risaala la hadlay ayaa sheegay in uu jiro khilaafka guddiga,isla markaana lab ay u kala qeybsameen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment