636 Views

Qof shacab ah oo Beledweyne lagu dilay iyo Madaafiic lagu garaacay Garoonka ugaas Khaliif.

Qof shacab ah oo Beledweyne lagu dilay iyo Madaafiic lagu garaacay Garoonka ugaas Khaliif.
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Inkastoo Maanta ay bandow tahay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, Albaab kastana ay taagan yihiin askar katirsan Cidamadda Dowladda oo afka soo duubtay, ayaa hadana waxa goordhow gudaha Magaaladda Beledweyne ku dileen Askarta Dowladda wiil yar oo kamid ah kooxaha kacdoonka ka wada Magaaladaasi.

Wiilka dilka ay ugeeyteen Askarta Ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa ku sugnaa gudaha Magaalada Baladweyne oo tan iyo xalay ay xirneed isku socodka dadweeynaha iyo Gadiidka sida ay inoo shegeen Goobjoogeyaal aynu la xiriirnay.

Dhanka kale waxaa goordhow duqeyn lagu garaacay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beladweyne oo la filayo in maanta uu ka deggo Cali Guudlaawe oo dhowaan lagu qanciyay in magaaladaas awood ciidan lagu geeyo.

Waxaa dhanka kale socda Qabanqaabada Soo dhaweeynta Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle, taa oo ka socota, Garoonka Ugaas Khalif Magaalada baladweyne oo daqiiqado ka hor lagu gaaracay Madaafiic in kastoo aan lasoo warin khasaare ka dhashay Madaaficdaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post