1053 Views

Akhriso:-Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Cawad Iyo Federica Mogherini?

Akhriso:-Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Cawad Iyo Federica Mogherini?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2019–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Isniintii ku qaabilay Muqdisho Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Ururka Midowga Yurub, Marwo Federica Mogherini, oo booqasho shaqo ku timid Caasimadda Soomaaliya iyadoo hoggaaminaysa wafdi weyn oo dhinacyo kala duwan leh. Wasiir Cawad waxa kale oo uu qaabilay Kusimaha Agaasimaha Galbeedka iyo Bariga Afrika ee Ururka Midowga Yurub, Mudane Hans Stausboll, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaallaha.

 

Soomaaliya waxa ay xiriir saaxiibtinimo la leedahay Midowga Yurub, waxa ayna Xukuumadda Federaalku doonaysaa inay adkeyso xiriirkaasi mudada dheer soo jiray si loo taageero mashaariicda horrumarinta, loona gaadho kobac dhaqaale oo hoos u dhigaya heerka shaqa la’aanya si sare loogu qaado heerka nolosha, lana horrumariyo dadaallada lagu bixinayo dhammaynta rabshadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noq-noqda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment