315 Views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun toogasho ah ku riday askarigii dhawaan shanta kun oo shilin Soomaaliga aheyd u dilay marxuum Abuubakar Sheekh Maxamed Nuuraani.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo  xukun toogasho ah ku riday askarigii dhawaan shanta kun oo shilin Soomaaliga aheyd u dilay marxuum Abuubakar Sheekh Maxamed Nuuraani.
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xukun toogasho ah ku riday askarigii dhawaan shanta kun oo shilin Soomaaliga aheyd u dilay marxuum Abuubakar Sheekh Maxamed Nuuraani oo caan ka ahaa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada oo si deg deg ah loo horgeeyay askarigaan oo ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka ayaa saaka ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ahaa ehellada marxuumka, shacab iyo mas’uuliyiinta maamulka Xamarweyne oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmadaas.

Dhammaan ka qayb-galayaasha oo ay ugu horreeyaan ehellada dhibanaha ayaa soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dilka Marxuum Nuuraani oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa yimid kadib markii isaga iyo askariga maanta la xukumay uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ waxayna ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo aheyd shan kun Shillin Soomaali ah.

Intaas kadib dadaal ay sameeyeen Booliska Soomaaliyeed ee Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta lagu soo dhigay askarigii geystay dilkaas oo ugu dambeyn maanta dil lagu xukumay, kadib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Tallaabadan ayaa ah mid horey loo sii qaaday oo cadaalad ah, waxaana soo dhoweeyey dadka Soomaaliyeed, maadaama ay cadaalad heleen qoyska Abuubakar Nuuraani oo maalmihii u dambeeyay cadaalad ka dalbanayey hay’adaha dowladda Soomaaliya.

“Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu horay u yiri marxuumka walaalkiis oo ka soo muuqday qalabka warbaahinta, kadib dilka walaalkiisii.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post