1005 Views

koox hubeysan oo xalay Muqdisho ku dhaaway Weriye Hanad oo ka tirsan idaacadda Goobjoog.

koox hubeysan oo xalay Muqdisho ku  dhaaway Weriye Hanad oo ka tirsan idaacadda Goobjoog.
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: June 24 2021

Waxaa xalay koox hubeysan ay magaalada  Muqdisho ku dhaawaceen Weriye Hanad Cali Gulleeed, oo ka tirsan idaacadda Goobjoog.

Wararka ayaa sheegaya in koox ku hubeysan toorey ama mindi ay dhaawac u geysteen weriyaha, islamarkaana waxaa ay ka qaateen taleefoonadii uu watay.

Hanad Cali Guleed oo la hadlay saxaafada  ayaa sheegay in afar dhalin yaro ah ay tooray ku weerareen, isagoona sheegay in dhaawac ay u geysteen kooxdaasi.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadku ay qaati ka taaganyihiin koox burcad ah oo dadka xiligii habeenkii taleefoonada ka dhaca.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post