966 Views

Madaxweyne Deni oo Codsaday in la baaro war lagu qoray wargeyska New York Times.

Madaxweyne Deni oo Codsaday in la baaro war lagu qoray wargeyska New York Times.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka hadlay warbixin uu qoray wargeyska New York Times ee laga leeyahey dalka Mareykanka.

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo daahfuray bandhigga buugaagata ee Garoowe ayaa ka hadlay warbixin uu wargeyska New York Times ka qortay qaraxyo Boosaaso ka dhacay ayuu Baarlamanka federaalka ka codsaday in baadhitaanno lagu sameeyo.

 

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha ay u diidaan taageerada DFS ee Puntland ee muddooyinkan.

 

“Waxaan diidey jabinta dastuurka waxa weeye in sicad loojabiyo, waxaan diyaar u nahay walaaleheena mudada dheer dhibaatada in ay qaataan qeyb weyn (Muqdisho) lakin waxa aan leenahay oo ay tahay wax sugan oo aan ku xisaabtanno aan helno”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

 

Sidoo kale madaxweyne Deni waxa uu tilmaamay in uu ka xun yahay xarigga dadka Magaaladda Boosaaso ay ku xireen Ciidanka Amaanka isaga oo ku baaqey in aan laga hor dhicin baadhitaanka.

 

Halalka Madaxweyne Deni ayaa yimid ka dib saacado markii Wargeyska The Newyork Times ee ka soo baxa Dalka Mareykanka uu baahiyay cod maqal ah oo uu sheegay in laga helay danjiraha Qadar ee Soomaaliya oo Ganacsade u dhashay Qadar kala hadlaya sidii Imaaraadka looga saari lahaa Dekadda Boosaaso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment