1071 Views

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo gurmado Barakacayaasha ku nool Caasimadda

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo gurmado Barakacayaasha ku nool Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  20, Juun 2019 — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Adduunka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu baaqay guud ahaan dhinacyadii ka soo qeyb galay in loo istaago daryeelka qaxootiga ku nool Caasimadda oo tiradooda lagu sheegay in ka badan nus-milyan qof.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in Maamulkiisu uu diyaariyey Siyaasadda Barakacayaasha oo gundhiggeedu yahay in muddo afar sano ah lagu deegaameeyo baracayaasha si ay bulshadooda ula mid noqdaan, looguna helo qorshe ay nolol maalmeedkooda ku sameystaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hay’adaha gar-gaarka in la awood siiyo Dawladaha Hoose oo gacan buuxda ka geysan kara xalka la raadinayo, maadaama ay aad ugu dhow yihiin kana warqabaan baahida kala duwan ee Qaxootiga.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Dawladaha Hoose ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin sidii xal-waara loogu heli lahaa barakacayaasha, isagoo xusay in uu yahay qofkii ugu horreeyey ee ka socda Caasimadaha Afrika ee saxiixa heshiis lagu taageerayo qaxootiga Adduunka.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in barakacayaasha intooda badan ay deegaankoodii kasoo wadeen colaado, taas oo qasabtay qaxootino, waxuna ka codsaday hay’adaha gar-gaarka in si dhow loo daryeelo barakacayaasha ku nool Caasimadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka XFS, Xoghayaha Jootada Wasaaradda arrimaha Gudaha, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka banaadir, madaxda Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM (UNHCR), Safiiro, iyo saraakiil kala duwan oo ka socday hay’adaha Dawladda Federaalka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment