1359 Views

Maxay tahay faa’idada ay reer Tanzania ku arkeen ka ganacsiga baranbarada?

Maxay tahay faa’idada ay reer Tanzania ku arkeen ka ganacsiga baranbarada?
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 3, 2022

Ganacsadaha baranbarada ee dalka Tanzania ayaa BBC-da u sheegay sida hantida badan uga sameeyey ganacsigan aan aadka loo fahansanayn.

“Dadku waxay moodayeen inaan waalanahay markii aan billaabay dhaqashada baranbaro, hadda waxay ii keentay nolol wanaagsan,” ayuu yiri Lusius Kawogo.

Baranbarada ayaa faro ba’an ku haysa guud ahaan dalalka Bariga Afrika.

Bishii hore, sheeko ku saabsan fannaanada caanka ah ee Tansaaniya iyo model Saumu Hamisi ayaa aad u baahay.

Fannaanadan oo sidoo kale magaceeda masraxa uu yahay Ummy Doll, waxay u sheegtay BBC Sawaaxili in cayayaanka baranbarada ay dhadhamisay sida kalluunka ama hilibka cad – xilli ay ku dartay saliidda qumbaha kaddibna dubtay, oo ka dhigatay kebab ama hilib shiilan.

Mr Kawogo ayaa sheegay in uu hadda su’aalo ay ka helayso macaamiisha dibadda Tansaaniya ee doonaya in ay iibsadaan baranbarooyinka.

Laakiin waxa ay sheegtay in dhaqashada noocani ah aysan wali u riyaaqin inta badan dadka reer Tanzania.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan helno dhowr qof oo xiisaynaya baranbarada iyo sida loo dhaqdo, maadaama aan awoodno inaan ku bixinno wax badan.”

Khabiir ka tirsan cisbitaalka qaranka ee Muhimbili ee magaalada Daaru Salaam ayaa sheegay in baranbaradu ay qiimo iyo nafaqo badan leeyihiin marka sida saxda ah loo dhaqo.

“Baranbarada waxaa ku badan borotiinno, dufan, fiitamiin B12 iyo zinc, kuwaas oo gacan ka geysta dhisidda difaac jidha,” ayuu yiri Scolastica Mlinga oo ku takhasusay nafaqeynta oo la hadlay BBC Swahili.

Cayayaanka qaar ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu caafimaadka iyo nafaqada badan adduunka.Ku dhawaad 20,000 oo nooc oo cayayaan ah ayaa waxaa cuna waddamo ay ka mid yihiin Aasiya, Laatiin Ameerika iyo xitaa qaybo ka mid ah Afrika

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post