636 Views

Qaramada Midoobey: Tirada carruurta Soomaaliya ee la il-daran nafaqo darrada oo sii kordheysa

Qaramada Midoobey: Tirada carruurta Soomaaliya ee la il-daran nafaqo darrada oo sii kordheysa
____________________________________________________________________________


Talaado: May 17, 2022

Haya’da Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa ka digtay in dhaqaalaha burburka uu keenay cudurka Covid-19, jahawareerka cimilada iyo iskahor’imaadyada hubaysan oo ay ku jiro dagaalka Ukraine ay horseedayaan in ay sii koradho tirada caruurta nafaqada darada la il-daran guud ahaan caalamka.

Hay’adda ayaa farta ku fiiqday in qalqal ku yimid adeegyadii gargaarka ahaa ee la gaarsiin jiraynka meelaha kala duwan, abaaro, iyo hoos u dhaca ku yimid qamadiga laga soo dhoofiyo Ukraine ay xaalada sii murjisay.

UNICEF waxa ay sheegtay in xitaa qiimaha cuntooyiinka nafaqada leh ay sare u kaci doonaan 16 boqolkiiba 6 bilood ee soo socota.

Caruurta Soomaaliya oo wajahaysa abaartii ugu darnayd muddo 40 sannadood ka dib, Afghanistan iyo waddamada kale ee Koonfurta Aasiya ee iyagana ay saameynta xooggan ku yeelatay sare u kaca ku yimid qiimaha qutul daruuriga kuwaasoo u baahan in laga bad-baadiyo nafaqa darrada sare u sii kacaysa ee ay wajahayaan.

In kabadan hal milyan oo caruur oo ku sugan Afghanistan ayaa wajahaya nafaqo darro ba’an, tiradaas oo ah laba jibaar marka loo barbar dhigo sannadii 2018-kii.

Maka laga hadlayo tirada caruurta nafaqa darrada ay saameysay ee Geeska Afrika, waxay gaareeysaa ilaa 2 malyan.

Balse hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ayaa sheegeysa in loo baahan yahay in musibadaan wax laga qabto lana helo caawimaad caalami ah.

Sida ugu wanaagsan ee loo daaweeyo caruurta gaajada la daalaadhacyo ay tahay in la siiyo cunooyin ay ku badan yihiin waxyaabaha kordhiyo tamarta jirka iyo nafaqooyin uu ku jira lawska, hase yeeshee hay’adda ayaa haatan ka walaacsan qiimaha cunnooyinkaas oo aad sarreyso.

UNICEF waxay sheegtay in qiimaha cunnooyinkan ay sare u kaceen taas oo saameyn karto in ka badan nus milyan carruur ah oo si aad ah ugu baahan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post