612 Views

Kooxo hubaysan oo nin noolasha ku gubay Dalka Nigeria

Kooxo hubaysan oo nin noolasha ku gubay Dalka Nigeria
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Booliiska Nigeria ayaa sheegay in nin ay isku dhaceen wadaad Muslim ah uu ku dhintay magaalada Abuja ee caasimadda dalkaas, kaddib markii ay dab qabadsiiyeen kooxo taageersan wadaadka.

Axmad Cusman, oo 30 jir ah, ayaa ku jiray kooxo si iskood ah u joojiyo dambiyada kadibna ciqaabo dambiilayaasha oo maxalli ah, waxayna booliisku sheegeen in ilaa 200 oo qof oo la abaabulay dhacdadan ay ka dambeeyeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in muranku uu salka ku hayo hadal la sheegay inuu ku aflagaadeeyay wadaadka , balse booliiska ma aysan xaqiijin arrintan.

Bishii hore, arday Kiristaan ​​ah ayaa waxaa dilay arday Muslimiin ah oo ku eedeeyay inay aflagaadaysay magaalada Sokoto.

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kiisaska soo noqnoqda ee rabshadaha wata, ay ka dhashaan isla xisaabtan la’aan qoto dheer iyo kalsooni la’aanta nidaamka cadaaladda dembiyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post