954 Views

Ninkii Adduunka ugu da’da weynaa oo geeriyooday

Ninkii Adduunka ugu da’da weynaa oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-23-2020-Nin u dhashay Koonfur Afrika oo la aamminsan yahay inuu ahaa ninka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhintay isagoo 116 jir ah.

Dukumiintiyada aqoonsiga Fredie Blom waxay muujinayaan inuu ku dhashay gobolka Bariga bishii May 1904, in kasta oo taasi aysan waligeed xaqiijinin Guinness World Records.

Markuu yaraa, qoyskiisii oo dhan waxaa tirtirey cudurka faafa ee hargabka ahaa 1918 ka dillaacay Isbaanishka. Isaga oo ka badbaaday laba dagaal adduun iyo midab takoorkii Koonfur Afrika.

Mr Blom ayaa BBC u sheegay 2018 in aysan jirin wax sir ah oo gaar ah oo ku saabsan cimri dheeraantiisa.

“Hal shay oo keliya – waa [Eebbe]. Isagu awood buu leeyahay wax kasta. Waxba ma haysto anigu. Waqti kasta waan ka tagi karaa laakiin isagu i daayey”, ayuu yidhi.
Mr Blom noloshiisa inta badan wuxuu ku dhammaystay shaqaalenimo – marka hore beero ka dibna warshadii dhismaha – wuxuuna howlgab noqday kaliya markii uu ahaa da’aadda 80-meeyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post