957 Views

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey deegaano horleh

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey deegaano horleh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Wabiga Shabeelle ee mara deegaano katirsan Gobolada Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

Xaafadaha uu wabiga fatahaada ka geystay ayaa waxa kamid ah xaafadaha Indha-Ceel iyo Bag Abeeso,waxaana badi barakacay dadkii deganaa si ay uga badbaadaan khasaaraha ka dhalan kara.

 

 

 

Sidoo kale Fahataada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyey Buulo Burde ayaa waxaa uu jaray wadooyinka Bari ee Magaalada,isla markaana dadka qaarkood ay Magaalada ku go’doonsan yihiin.

 

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Buulo Burde ayaa waxaa ay sheegeen in ay isa soo tarayaan fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle,isla markaana ay macquul tahay in wadooyin badan oo kamid ah degmada Buulo Burde ay go’aan.

 

Si kastaba Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad ka sameeyey deegaano ka tirsan degmooyinka,Baladweyne, Jowhar iyo Balcad, iyada oo dadkii deganaa deegaannada uu fatahaada ka sameeyey ay barakaceen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment