216 Views

Kismaayo oo lagu xiray saddex oday dhaqameed oo ugu caansan deegaanada Jubbaland kuwaas oo la heshiiyay Al-shabaab

Kismaayo oo lagu xiray saddex oday dhaqameed oo ugu caansan deegaanada Jubbaland  kuwaas oo la heshiiyay Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Maamulka Axmed madoobe uu xiray saddex oday dhaqameed oo kamid ah dhaqanka ugu caansan deegaanada maamulkaasi, kuwaasi oo la xiray sadax Usbuuc ka hor.

Odayaasha xiran ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Hartiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saddexdaan Oday dhaqameed la xiray kadib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay kooxda Al-Shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Sidoo kale Odayaal dhaqameedkaan ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, ayada oo maamulka Jubbaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda, xili ay Kismaayo ku xiran yihiin in ka badan labo toddobaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post