690 Views

Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan sagaal qof oo ajnabi ah

Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan sagaal qof oo ajnabi ah
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan sagaal qof oo ajnabi ah kuwaas oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qabteen tuhmanayaashan oo la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxaha qorshaynaya weeraro, ayay yiraahdeen ilo-wareedyadu, kuwaas oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xannibaadda la saaray la hadalka warbaahinta.

Booliisku waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen 13 goobood oo ku yaalla shan degmo oo ka tirsan Istanbul. Tiro badan oo qalab dijital ah iyo dukumentiyo urureed ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hawlgallada.

Saddex ka mid ah tuhmanayaasha ayaa weli ku jira gacanta booliska, lix ka mid ah ayaa lagu sii daayay amarka xeer ilaalinta.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalo noocaan oo kale ah sameeyay ka hor maalinta sanadka cusub, iyadoo kooxaha argagaxisada ah ay horey u beegsadeen dadka u dabaaldegaya ciida,Ugu yaraan 39 qof oo uu ku jiro sarkaal Booliis ah ayaa ku dhintay kadib markii argagixisada Daacish Masharipov oo ku hubaysnaa AK-47 ay rasaas ku fureen dad ku damaashaadayay habeenkii sanadka cusub ee Reina caweyska oo ku yaala degmada Ortaköy ee magaalada Istanbul  Jan. 2017.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post