1512 Views

Sawiro:-Taliska AMISOM Oo War Hor Leh Ka Soo Saray Dagaalka Ay Kulajiraan Al Shabaab

Sawiro:-Taliska AMISOM Oo War Hor Leh Ka Soo Saray Dagaalka Ay Kulajiraan Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 16, 2019 Taliyayaasha Sarsare ee AMISOM  waxay sheegeen inay isku raaceen Hawlgaalladda Muhiiman iyo in dhaqdhaqaaqyadda lagu salayn doono Nidaamka cusub ee Hawlgalladda ee ay Guddiga Isku-xirka Hawlgalladda Milliteriga ansixiyeen dabayaaqadii sannadkii hore ee 2018-ka.

War laga soo saaray Kulankii Taliyayaasha sarsare ee AMISOM ee shalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdisho ayaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqyadda Milliteri ee AMISOM qeyb ka yihiin in la beeegsado Hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab iyo in laga saaro deegaanadda ay ku xooggan yihiin, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyayaasha hoggaaminaya Guutooyinka ka kala socda dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia waxay kaloo isku raaceen dib-u-qaabaynta qaar ka mid ah Saldhigyadda Hawlgalladda ee Aagga hore si loo hubiyo badbaadinta xaruumaha ay dadka ku badan yihiin.

Waxay kaloo sheegeen inay AMISOM ka go’an tahay tahay ilaalinta ammaanka faa’idooyinkii laga gaaray Ammaanka Somalia, xitaa qorshayaashii lagu dhimi lahaa Ciiddanka AMISOM.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigaabu Yilma Wondimhunegn o oka hadlay Kulankaasi waxa uu ku baaqay in si weyn looga qeyb galo sidii Xal kama dambays ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo wajahay Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka wada shaqeyn doonaan sidii ay Ciiddanka Soomaalida uga qeyb geli lahaayeen Hawlgalladda, si ay AMISOM ugu guuleystaan Qorshahooda.

Taliye-xigeenka Hawlgalladad iyo Qorshaha ee Taliska AMISOM, Jeneral Jaarlees Tai Gitaway waxa uu isagana hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Wada-shaqeynta u leedahay Taliyayaasha Milliteriga si loogu guuleysto qorshaha cusub ee ay ku hawl-geli doonaan AMISOM ee CONOPS.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment