675 Views

Madaxweyne Deni oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Madaxweyne Deni oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 22 2021–Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Wafdiga ayaa waxaa sido kale kmaid ah Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa doonaya in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay yimaadaan muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirka wadatashiga doorashooyinka, waxaana wafdiga la filayaa inay tagaan Magaalada Kismaayo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post