2397 Views

Qarax Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

Qarax Goordhow Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 28, 2018—Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay laami yaraha zoobe,waxana la sheegay in uu ahaa mid gaari lagu xiray gaari ay saarnaayeen saddex dhalinyaro ah oo aan weli la shaacin waxa ay ahaayeen.

Jugta qarxa ayaa waxaa laga maqlay degmooyin ka mid ah Muqdisho sida Hodan,Waaberi iyo Wadajir,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Dad tegay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxa uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Saddexdii dhalinyarada aheyd ee Gaariga watey halka labadii kale aysan waxba gaarin.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyada oo Shaqsigii ku dhaawacmay qaraxaas la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Qaraxyada Gawaarida ayaa maalmaahan ku soo batay Muqdisho,waxana maalin ka hor miinada nooca dhulka lagu aaso ah ay la qaraxday gaari uu watay gudoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Deeynile ee gobolka Banaadir.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment