867 Views

Ciidamada UK oo ka badbaadiyay Burcad Badeed Markab Xamuul oo Turkiga laga leeyahay

Ciidamada UK oo ka  badbaadiyay Burcad Badeed Markab Xamuul oo Turkiga laga leeyahay
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Ururka Britain u qaabilsan Hawlaha Maraakiibta Ganacsiga (UK Maritime Trade Organization (UKMTO) ayaa sheegtay inay Koox burcad-baddeed watay Doonyaha dheereeya ay shalay Subax, abaarihii 8dii Aroornimo oo Rubi dhiman (07:45 am) ee Xilliga Bariga Afrika ay weerareen Markab Xamuul oo Turkiga laga leeyahay oo marayey meel ka baxsan Xeebaha Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Ururka UKMTO oo fadhigiisu Dhexe ku taallo magaalladda London waxay sheegeen inuu weerarkaasi ka dhacay meel 100 nautical miles oo u dhiganta 185 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Magaca Markabka la weeraray lama shaacinin iyo halkii uu ku sii jeeday, balse, Markabka iyo Shaqaalihii la socday ay bad-qabaan, waxayna horey u sii wateen Safarkooda.

Sanadihii la soo dhaafay aad bay u yaraadeen weerarada ay Kooxaha Burcad-baddeed ka geystaan Xeebaha Somalia marka la Barbara dhigo sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Burcad-baddeedu qafaasheenTobaneeyo Maraakiibta Ganacsiga iyo Boqolaal Badmaax oo ka soo jeeday dalal kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post