1110 Views

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo a Al-shabaab oo xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo a Al-shabaab oo  xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye
____________________________________________________________________________


khamiis: December 16, 2021

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Xero Ciidanka dowladda ku leeyihiin agagaarka Buundada weyn ee degmada Afgooye, waxaana dagaalka inta uu socday la maqlayey dhawaqa hubka Culus

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, in kastoo aysan faah faahin intaas ka dheeraad aysan ka bixin weerarkii ka dhacay Afgooye.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay hub culus ay la beegsadeen Xerada Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka Buundada weyn, isla markaana uu dhacay iska horimaad labada dhinac dhexmaray.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii xalay ka dhacay degmada Afgooye, waxaana xerada la weeraray Ciidanka AMISOM kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo ay degan yihiin Ururka 31-aad guutada 1aad ee qeybta 12-ka April.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post