3132 Views

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 6, 2018 – Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase)

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment