1155 Views

Masar oo go’aamisay in haweeneydu ay xaq u leedahay inay u hesho warqad dhalasho ilmaheeda

Masar oo  go’aamisay in haweeneydu ay xaq u leedahay inay u hesho warqad dhalasho ilmaheeda
____________________________________________________________________________

June 20 2021

 Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa go’aamisay in haweeneydu ay xaq u leedahay inay u hesho warqad dhalasho ilmaheeda iyadoo uusan joogin ninkeeda, gaar ahaan marka ay khilaaf ku kala maqan yihiin.

Maxkamadda Sare ee Maamulka, oo xukunkeedu yahay mid kama dambays ah oo aan racfaan laga qaadan karin, ayaa sheegtay in khilaafaadka guurka ee dhaca xilliga uurka aysan ka reebaynin hooyada inay cunageeda u hesho warqad dhalasho, islamarkana qoyska ninkeeda aysan ka hor istaagi Karin haweeneyda xuquuqdan .

Arrintan ayaa ka dambeeysay ka dib khilaaf u dhexeeya lamaane is qabay oo ku nool magaalada Damanhour, ee gobolka Buhaira ee waqooyiga Masar, ka dib markii ay xaasku ka tagtay gurigeeda iyada oo uur leh.

Markii ay umushay waxay tagtay xafiiska caafimaadka ee magaalada si ay uga soo qaadato warqad dhalasho ilmaheeda, waxaa layaab ku noqotay in ninkeeda uu ku wargaliyo xafiiska caafimaadka in cadeymaha cunuga ay tahay inuu soo maro isaga kali ah, taasina ay tixgaliyeen xafiiska caafimaadka.

Xaaska ayaa dacwad u gudbisaymaxakamad si ay cunigeeda ay ugu hesho warqadda dhalashada.Go’aankan ay gaartay maxkamadda ayaa haweenka dib ugu soo celinaya xuquuqdooda aasaasiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post